Yaa lacag badan ka faaiida dhoofinteeda Ethiopia iyo Somaliland?

0
160

Ethopia waxay sanadkii usoo dhoofisa Somaliland oo dhaqaale ahaan ka faa’idaa US$668 Milyan, halka Somaliland ay u dhoofisaa oo ay dhaqaale ahaan hesho US$21 Milyan.

Waa natiijada kasoo baxday maanta xog ururin ay mudooyinkii danbe ku hawlanaayeen diyaarinteeda dhaqaale yahano Somaliland u dhashay iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.

Aadan Ismaacil oo kamid ahaa khubaradaasi ayaa qoraalkan goordhaweyd baahiyay.”Cilmi Baadhistu waxay ku saabsanayd “Somaliland waxyaalaha ay u dhoofiso Itoobiya: Carqaladaha iyo Fursadaha” (Somaliland’s exports to Ethiopia: Challenges and Opportunities).

Waxanu ururinay Carqalado badan oo ganacasateedna waxyaalaha ka soo soo baxa dalkeena u dhoofisa Itoobiya ka hor yimaada. Waxa kale oo aanu soo bandhignay Fursado badan oo ganacsi oo uga furan ganacsatadeena dalkan balaadhan ee Itoobiya.Waxanu ku ogaanay Cilmi Baadhista inay Itoobiya innoo soo dhoofiso US$668 Milyan, innaguna aynu u dhoofino US$21 Milyan “.Adigu aragti noocee ah ayaad ka qabta ?