Xukuumadda Somaliland oo canbaaraysay Qaramada midoobay

0
134

Xukuumadda Somaliland ayaa canbaaraysay qoraal uu dhawaan soo saaray wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo sheegay in uu ka shaqaynayo nidaamka Doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.

qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo lagu daabacay SOLNA ayaa lagu yidhi:

” “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba”

wasiirka ayaa intaasi ku daray in Wakiilka Qaramada midoobay faro-gelin ku sameeyay Xornimada Somaliland sida uu hadalka u dhiggay.

” oo ay u aragto daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisu xushmad darro ku yahay hannaanka dimuqraadiyadda JSL iyo horusocodkii ay sameynaysay tan iyo xiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii.”.

Source hasan galaydh