Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In Tallaabo Laga Qaadayo Shirkado Dayacay Xujeydii Ay Qaadeen

0
228

Waxaa aad loo dhaliilay qeybo kamid diyaaradaha sanadkaan ka daabulay gudaha dalka xujeyda Soomaaliyeed, kuwaas oo sida la sheegay ku dayacan gudaha magalaada Makka ee boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Sooamaliya Cismaan Aadan Dhuubow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Afar ka mid ah diyaaradaha ka daabulay gudaha dalka xujeyda Soomaaliyeed ay sameeyeen dayacaad aad u xun, waxuuna sheegay in lala xisaabtami doono xadgudubkii ay sameeyeen marka ay soo dhamaato gudashada  acmaasha Xajka.

Wasiir Dhuuboow ayaa intaa raaciyay inaysan marnaba suurtagal ahayn in lasii daayo diyaaradihii dhibaatadaas geysatay maadaama Xujey lacagtooda baxsaday aanan loo qidmeyn, isla markaana aan la dajin Hoteeladii iyo hooygii loo qorsheeyay.

Xalay ayaa aad loogu baahiyay baraha Bulshada xujey Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan gudaha magaalada Makka ee dalka Sucuudi Carabiya.

Xujeydaas oo iskugu jiray rag iyo haween waayeel ah ayaa la arkayay iyagoo jiifa dhul laami ah waxayna waayeen sida ay qirtay xukuumadda Soomaaliya adeegyadii ay u baahnaayeen.