Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo amartay in Afka Soomaaliga lagu qoro Boodhadh-ka meheradaha

0
108

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa amartay in Afka Soomaaliga lagu qoro dhammaan Boodhadh-ka meheradaha iyo suuqa Jigjigaba.

Middo 45 maalmood ah ayaa loo qabtay in ay ku beddelaan dadka hore Luuqadaha Qalaad ugu qortay Boodhadhkooda.

Dadka waxa loo ogolaaday in ay xagga hoose ee Boodhka ku qoran karaan Luuqado kale balse waa in Luuqadda Soomaaligu ugu sarraysaa.

Tallaaban ayaa maamulku u qaaday si loo tayeeyo ,korna loogu qaado Afka Soomaaliga.

Arinkan madaxweynaha dawlad degaan mustafe cagjar oo ka hadlaaya waxaa uu yidhi

Waxay xukuumadu isla qaadatay iyadoo kaashanaysa Xafiiska warfaafinta dhaqanka iyo dal-xiiska deeganka, in go’aan adag laga soo saray boodhasha lagu dhajiyo meheradaha Iyo suuqyada dhamaan deegaanka Somalida.

Cid kasta oo horay ugu qortay afaf qalaad boodhasha goobahooda In loo mudeeyay muddo 45 cisho ah inay ku badalaan islamarkaana ay ku qoraan afka soomaliga ayna kadhigaan luqada koowaad, sidoo kale cidkaste goobteeda Waa u xor in Hoosta ay ku qoran karaan afafka kale, laakiin afku soomaligu yahay Luqadda 1aad .