Xubno sare oo ka socda china oo soo gaadhey Hargeisa

0
93

3 xubnood oo xilal muhiima ka haya wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Shiinaha gaar ahaan waaxdeeda Afrika ayaa soo gaadhay Hargeysa , waftigan oo qeyb ka noqonaya xubnihii 4 ahaa ee uu hogaaminayay safiirka shiinaha Muqdisho u fadhiya ee maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Hargeysa ayaa sii xoojinaya qorshahooda ah inay la kulmaan madaxweyne Biixi si ay ugusoo bandhigaan , uguna qanciyaan inuu joojiyo xidhiidhka cusub ee Somaliland la sameysay Taiwan.

Weftigan culus oo ka socda Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayagoo toos ugasoo kicitimay Caasimadda Beijing , waxaana madaarka kasoo galbiyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland .

Weftigan oo ka kooban 3 Xubnood oo sar-sare oo ka mid ah Waaxda Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa waxa Garoonka diyaaraha ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa kaga hor-tagay isla-markaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland.

Weftigan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ka socda dawladda Shiinaha ee soo gaadha Somaliland.

Xigasho abdishakuur