Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo war ka soo saaray Xaaladaha ka jira dalka

0
313

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira,isla markaana uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay Arrimo badan oo xiligan dalka ka taagan.

“Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu si dhow ula socdey xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, doorashada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada”.

“Ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in Waajib Qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Xisbiga.

Halkaan hoose ka aqriso baaqa xisbiga