Xirfadda ku ganacsiga jinka

0
96

Beryahan danbe waxaa soo batay in lala shaqaysto jinka si looga ganacsado daawaynta dadka xanuunsanaya.

Waxaa diinteenu inoo jidaysay in xanuunada jinka iyo sixirka layskaga daweeyo quraanka iyo ducooyinka sunnada ku suggan, sida in qofku isku akhriyo ama lagu akhriyo suurat – albaqara ama aayatul kursiga, ama sedexda qul acuudi , markii sidaa lagu dhaqmi jiray jin iyo sixirba waa laga dawoobi jiray, dad badan oo uu galaana majirin.
Hada maxaa soo kordhay ?
Waxaa soo kordhay ku ganacsiga jinka oo casriyaysan, waxaa hada socda..qaab ah isku shaqaysi ka dhexeeya jinka iyo qaar ka mida wadaadada wax daaweeya( cilaajiya), ama dumar sheegta in ay cilaajiyaan jinka, kooxdan qaar booyado biyo ah bay wataan oo ku rushaynayaan dadka, iyagoo adeegsanaya qaabab qaldan diiniyan sida: dumarkii oo ay faraha ku duugayaan, aayado aan dhamaystirnayn ama kelmado carabi ah oo ay ku celcelinayaan, waxaa meesha iyana ka madhnayn in ay la shaqaystaan koox ka mida jinka oo ay adeegsadaan kuna salidaan dadka u tagga ee cilaajka u doonta ee isu dhiiba.

Hadaba waxaa muhiima in looga diggo walaalaha in ay u tagaan dadkaas aan kor ku soo xusay, waa in lagga dheeraadaa oo lagga fogaadaa,.
Qofku quraanka haysku akhriyo oo digriga ha badiyo, dahaarada haku dadaalo, ilaahay ha tala saarto, jinkana haka biqina waa taag daran yahay isaga iyo ahelkiisuba Ilaahay waxa uu yidhi:

(إِنَّ كَيْدَ الشَّيْطَانِ كَانَ ضَعِيفًا) النساء(76)

dadkaas jinka adeegsadaa jinkii ayay shaqo u fureen oo faafiyeen, in ay cid daweeyaan ha ka filan.dadkiina shaki ayay geliyeen, waxay isku direen ragii iyo dumarkii is qabay, iyagoo qofku marka uu u tag’go ku odhanaya was lagu sixray ee qolka hurdada sariirta hosteeda kasoo saar waxa yaal ee la guntay, iyadoo hada jinka uu adeegsanayaa ee uu wataa ku soo tuuray guntinta.

Markaa halaga fogaado Ilaahayna hala tala saarto sida sunnada ah ee sharciga waafaqsanna ha laysu daaweeyo.

Ilaahay ha caafiyo inta xanuunsanaysa oo danbidhaaf ha ugga dhiggo!

✍️ Shiikh Muuse Tarax