Xanjada iyo cafimaadka laga helo.

0
133

Ruuggista xanjada waa mid leh faaiddooyin badan oo badanaa laga warqabin faaiddooyinka ku aasan.

Xanjada ayaa loo kala saraa laba nooc mid waxaa ku badan macaanka midna waxaa ku yar macaanka dadka badankiisa waxaay isticmalaan mida ay ku yartahay macaanka,

Sidoo kale waxaa jira kuwa aan lagu darin sonkor oo lagu tala galay dadka qaba macaanka(Sonkorow) waana kuwa ugu cafimaadka badan ee la rabo in la isticmaalo.

Faaiddooyinka laga helo ruuggista ama raamsiga xanjada waxaa kamid ah ?

Dharagta

1- Xanajada waxay baabi,isaa oo yareysaa dharagta waxay wali u fiican tahay in la cuno bacda afur ama cunnada kadib si ay u yareyso dharagtid.

Cunna_qaadashada

2-Ruuggista xanajada waxay qofka u furtaa cunna qaadashada ,iyadoo qofka u keenaysa in uu gaajado oo u baahdo cunno.

Xasuusta

3-Cilmi baaris uu sameyey professor Andrew Sholey ayuu ku sheegay cilimi baaristiisa in xanjada kor u qaado xasuusta isagoo ku sababeyey raamsiga la raamsanayo xanjada in qulqulka dhiiga xididada siiya maskaxada kor u kacan 35%.

Laabjeexa

4-Xanjada waxay hoos u dhigta shaf ololka(Heartburn) ,shaf ololka waxaa lagu arkaa dadka qaba gaaska iyo xiliyadda dumarka ay uurka leeyihin.

Stresska

5-Waxaa la isku waafaqay ruuggista xanjada in ay hoos u dhigto diiqada(stress),daalka, depressionka,isla hadalka ,cabsida iwm.

Lalabada

6-Cunista xanjada waxay yareysaa lalabada,wiswiska iyo walaca,qaasatan cunista xanjada waxay u fiican tahay dumarka uurka leh xiliyadda ay ku jiraan walaca.

Murqaha

7- Xanjadu waxay jimicsi siisaa muruqyada labada daan waxayna adkeysaa murqayaasha ku taxan qoorta.

Dr. cadceed