Xaaladaha ugu danbeysay COVID-19 Somaliland .

0
102

Sida uu shaciyey agaasimaha wasaarada caafimaadka somaliland shaley iyo maanta waxaa xanuunka Covid19 laga helay Sagaal iyo tobanka qof (19) ee laga helay xanuunka 48kii saacadood ee u danbeeyey dhamaantood waa Somalilander, 11 qof waa rag, 8 qofna waa dumar.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(10jir ilaa 20jir = 1 qof)
(20jir ilaa 30jir = 2 qof)
(30jir ilaa 40jir = 1 qof)
(40jir ilaa 50jir = 4 qof)
(50jir ilaa 60jir = 6 qof)
(60jir ilaa 70jir = 5 qof)

Bukaanadan waxa 13 degen yihiin Gobolka Maroodi Jeex – Hargeysa, halka 6 qofna degen yihiin
Gobolka Awdal – Boorama.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay sideed (8)

Waxaa geeriyooday laba qof oo da’doodu ahayd 76jir iyo 52jir taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan u dhintay dalkeena sideed (8). Labada bukaanba xanuuna kale yaa u weheliyey xanuunka.

http://www.somalilandcovid19.com.

Faysal Fifa .