Xaaf oo ka hadlay Nabadoonkii lagu dilay Gaalkacyo

0
197

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa tacsi u diray bulshada reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay AUN Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo dabley hubeysneed ay Xalay ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.


“waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweynuhu 

Waxa uu bulshada reer Gaalkacyo ugu baaqay Madaxweynuhu in ay meel kaga soo jeestaan dadka falalka amni darada ka geysanaya Magaalada waxa uu intaas ku daray in Kooxda Al-shabaab aysan rabin in amniga iyo nabada noqoto Magaalada Gaalkacyo cid walbana ay masuul ka tahay amniga Magaalada Gaalkacyo, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xaaf.

Sikastaba ha ahaate Magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geeysanayo Mas’uuliyiin iyo dadka indheer garadka u ah Bulshada Soomaaliyeed,waxaa inta badan dilalkaasi sheegta Kooxda Al-shabaab.