Xaaf ” Muddo Sanad ah ma tagin Cadaado iyo Muqdisho”

0
201

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Xalay dhalinyaro kula hadlayay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho uu dagan yahay in uusan tagin Mudo Sanad ah,sidoo kale Magaalada Cadaado oo ah Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu iyadana Diyaarad ku maro.

Xaaf ayaa sheegay in Sababta ka hortaagan inuu tago Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado, ay tahay Culeys Siyaasadeed oo saaran Maamulkiisa awgeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xusay in Shacabka ku nool Galmudug ay ka bixi doonaan dhibaatada,isla markaana ay heli doonaan Shaqooyin kala duwan.

Sikastaba ha ahaate Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa Xiriirka ka dhaxeeya waxa uu yahay mid aan wanaagsaneen,iyadoona arrintaasi ay sababtay in Maamulka Galmudug ay uu la kulmo Cadaadis Siyaasadeed.