Wax badan ka ogow 6 cunto ee caawisa caafimaadka indhaha

0
73

Inaad joogteyso cunto isku dheelitiran aya si guud u caawisa indhaha iyadoo ka hortagta qataraha xaga indhaha.

Caafimaad-xumida ku imaan karta indhaha waxaa kamid ah;

  • Arag yari
  • Qoyaan oo ku yaraada
  • Arag la,aan

Waxaa jira 6 cunto oo si toos ah u caawisa caafimadka indhaha ayan eegi doonaa

1) kalluunka

Malaaygu waxa ka qeebqaataa hormarinta caafimadka indhaha isagoo ka ilaaliya iney indhuhu qalalaal ama qoyaanku ku yaraado.

2) Ukunta

Qeeybta jaalaha ah ee ukunta waxay ka koobantahay maadooyin caawiya indhaha sida vitamin A, lutin, zeaxanthin iyo zink. Ukunta waxaad cuni kartaa quraacda iyo qadada.
Sida ugu wanaagsan waa inaad kariso adigoo biyo ama cunto ku rideysid.

3) Yicib/Jicib

Yicibta oo ah miro dalkeena laga helo waxan ku jira vitamin E kaasi oo caawiya nudayaasha isha.

4) Caanaha

Caanaha xoolaha iyo waxyaabah laga sameeyo sida yoogta-ka waxay u wanaagsanyihiin caafimaadka indhaha.

Waxaa ku jira vitamin A iyo zinc, zinc wuxu isha ka caawiyaa inuu fiitamiin ka keeno beerka uu geeyo isha.

5) Karooto

Karootada oo kamid ah cuntooyinka ama qudaarta ugu wanaagsan ee indhaha waxaa laga helaa vitamin A iyo beta carotene. Beta carotene waxuu isha ka caawiyaa in caabuq ( infection) ku dhaco.

6) Liin babeelmo.

Liinta waxaa laga helaa vitamin C kaasi oo caawiya xididada dhiiga ee isha.

Like saar page-ka si aad u heshid wacyigalin caafimaad oo dheeri ah.

W/Q Caafimadkaga