Wasiirkii Hore Ee A/Dibadda Somalia Oo Ku Dhintay Qaraxii Maanta Ee Muqdisho

0
291

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa dhmamaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda oo maanta oo ah Arbaco, 22 May, 2019 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay saaka ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta iyo kuwa kale. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.

Marxuum Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda ayaa ka mid ahaa xiliyadii dambe Guddi sare oo lataliyaal ah oo u xilsaaran dib-u-habeynta iyo horumarinta Siyaasadda Debadda. Marxuumka ayaa ahaa siyaasi, macallin, barbaariye iyo qof saaxiib la ahaa bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo ardayda ka caawin jiray fahamka cilmiga tirakoobka “Statistics”.

“Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.