Wasiirkii dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday

0
196

Wasiirkii dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta ku geeriyooday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sida ay mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan ay sheegeen Xoosh Jibiril ayaa waxaa ku dhacay xanuun deg deg, ah xilli uu booqasho qoys uu ku joogey Imaaradka Carabta.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa wasaaraaddiiisa, waxay waayadan ku mashquulsaneyd dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya.

Xoosh Jabriil ayaa maal-mihii dhowaa u joogay magaalada Dubai inuu ka qeyb-galo arooska gabadhiisa, sida ay xubno ka tirsan dowladda federaalka u xaqiijiyeen Caasimada Online.

“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin” Waxaa sidaas yiri agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr.