Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay la taliyaha Boqorka Sacuudiga

0
227

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federalka Soomaaliya Mudane ;Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr; Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudi Carabiya, isla markaana ah Madaxa Xaruunta horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay Labada masuul ugu wada hadleen  sidii Sanduuqa (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre) uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaa horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid muhiim ah islamarkana ay ma kale isku ariki doonaan Dalka Soomaaliya.

“Waxaan xarunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr; Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudiga, isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre), ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasirka ayaa intaa ku daray in la taliyuhu uu ka codsaday in uu yimmaado Soomaaliya si loo ambaqaado waxyaabaha ay kulankooda Koobaad kaga wada hadl;een,  taasi oo uu ka aqbalay.si weynna usoo dhoweeyay.