Home WARARKA MAANTA Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la kulmay madax Dpworld

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la kulmay madax Dpworld

0
173

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa guud ee shirkada Dpworld u qaabilsan Somaliland Mr. Supachai Wattanaveerachai.

Ujeeddada kulanka ayaa ku saabsanayd sidii loo abbuuri lahaa iskaashi iyo wada-shaqayn dhaw oo dhex marta wasaaradda warfaafinta iyo shirkada caalamiga ah ee Dpworld si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada Somaliland ee mashaariicda horumarinta ee Dpworld Somaliland ka wado.

Madaxa guud ee shirkada Dpworld ee Somaliland Mr. Supachai oo halkaasi ka hadlay ayaa wasiirka uga mahadceliyey marti qaadka uu u sameeyey, waxaanu soo dhaweeyey wada-shaqayn dhex marta wasaaradda iyo shirkada Dpworld, wuxuuna ballan qaaday in uu taageero la garab istaagayo warbaahinta dawladda iyo xarunta Wada-Xidhiidhka Qaranka.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com