Wasiirka warfaafinta somaliland oo ka hadley saxaafada

0
235

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Oo Saxaafada Madaxbanaan Usoo Jeediyey In Aanay Cadowga Somaliland Iyo Qofka Dalka Ka Hadlayaa Aanay Isugu Mid Noqon.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay sida ay xukuumadda Somaliland ixtiraamka ugu hayso Saxaafada Madaxbanaan, iyada oo raacaysa Dastuurka Qaranka Somaliland , waxaanu usoo jeediyey bahda Sugaanta , Qalin-Maalka iyo saxaafada Madaxa-banaan ee Somaliland in ay muruqooda, Hibooyinkooda iyo maskax-doodaba ku dhisaan Qaranka Somaliland.
Waxa uu tilmaamay Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore in aanay ahayn in ay Saxaafadda Madaxbanaan ee Somaliland ay cod u noqoto Cadowga Somaliland, sidoo kalena aanay ahayn in ay isku cod noqdaan cadowga Somaliland ee dalka soo weeraraaya iyo muwaadinka reer Somaliland.
Waxa uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ka sheekeeyey marxaladihii dalku soo maray iyo heerarkii kacaa kufka ahaa ee lagu soo dhisay, waxaanu tilmaamay in dad badan oo qiimo ku lahaa dalkani ay xabaal u galeen xorayntii iyo nabadayntii Jamhuuriyaddan Somaliland.