Wasiirka Warfaafinta Ismaamulka Jubbaland oo ka hadley dagaalkii balad xawo

0
148

Wasiirka Warfaafinta Ismaamulka Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamad, oo ku Sugan dhooblay ayaa ka warbixinayay dagaalka maanta ka dhacay dagmada Baladxaawo.

“Dagaalka ay soo qaadeen ciidanka muddooyinkan ay dawladda Federaalka ku soo daabulaysay gobolka Gedo ayay iska caabiyeen Ciidanka Daraawiishta dawlad-goboleedka Jubbaland ee ku sugan Baladxaawo”

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in dawlada federaalku ay ka soo jeedsatay dagaalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab oo ay uso jeedsatay burburinta maamul goboleedyada isla markaana ay colaad ka abuurayso deegaanno ay nabad ka jirtay.

Jubbalandtv