Wasiirka Boos oo Booqasho ku Tagay DDS

0
145

Wasiirka wasaaradda dhalinyarta iyo ciyaaraha Jamhuuroyadda Somaliland, mudane Boos Mire Maxamed, ayaa booqasho ku tagay, DDSI, isaga iyo weti uu hoggaaminayaa.

Wasiirka iyo waftigiisa, waxaa magaalada Tog-wajaale ku soo dhaweeyay, masuuliyiin ka socday DDSI.

Ujèedada wafdigan ayaa u tagay, si ay uga qaybgalaan tartanka kubada cagata, ee gobollada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka Soomaalida, oo bari si rasmi ah uga furmi doona magaalada Jigjiga.

Wasiir ku xigeenka xafiiska Dhalinyarta iyo Ciyaaraha DDS, Axmad xasan Iimaan, oo wafdiga soo dhaweeyay ayaa sheegay, in booqashada wafdigani ay qayb ka tahay isdhexgalka iyo iskaashiga sii kordhaya ee u dhaxeeya, Deegaanka Soomaalida iyo wadamada dariska ah

Dhankiisana, wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha ee Soomali-land, Boos Mire Maxamad, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in lagu martiqaado Koobka 8aad ee tartanka ciyaaraha kubada cagta, ee gobolada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka Soomaalida.