Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS oo sheegay xiligii la bilaabi lahaa howlgallada Batroolka

0
156

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashey qorshaha ku aadan bilaabidda howlgallada Batroolka Soomaaliya,iyadoo dowladuu ay xustay in qaab daah-furnaan ah ay ku bilaaban doonaan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa wakaaladda (SONNA) u sheegay in xiriir walaalnimo iyo mid wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro.

Sidaas darteed waxaan xaqiijineynaa in hawlgallada Bartoolka ay ku billaaban doonaan si daahfurnaan ah xilligeedana la sugayo.