Wasiirka arimaha gudaha somaliland oo isna xaiijiyey corona Somaliland

0
201

Wasiirka arimaha gudaha somaliland ayaa isna xaiijiyey in lba qof lga helay somalialand waxaanu yidhi.

Waxa aanu xaqiijinaynaa in Labadii qof ee ugu horreeyey Jamhuuriyadda Somaliland laga helay Cudurka Coronavirus (Covid-19) ka dib baadhitaan lagu sameeyey 3 qof oo looga shakiyay cudurka.

Labadani qof ayaa kala ah muwaadin reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska kaasi oo ku sugan magaaladda Burco iyo Muwaadin ajaanib ah oo u dhashay waddanka China kaas oo ku sugan Magaalada Berbera.

Labada qofba Xaaladdoodu way degantahay Immika , Waxaana si dhaw ula socda Hay’adaha Caafimaadka qaranka iyo Guddida Qaran ee ka hortagga iyo u diyaargarowga Covid-19.

Shacbiga waxaan ugu baaqaynaa inay raacaan Tilmaamaha iyo Wacyigelinta Guddida.