Wasaarada waxbarashada somaliland oo Dacwad ka gudbisey digsiyo sharciga jabiyey COVId19

0
111

Xukuuumadda Somaliland ayaa dacwad ka dhan ah qeybo kamida dugsiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala Hargeysa u gudbisay xeer ilaalinta kuwaasoo lagusoo eedeeyay inay jabiyeen wareegtooyinkii lagu joojiyay in dugsiyada wax lagu barto xiligan lagu jiro la tacaalida Coved-19 gudaha Somaliland.

Qoraal uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda waxbarashada Sonaliland ayaa lagu cadeeyay magacyada dugsiyadaasi oo ay ka mid ahaayeen .

1* Baxreyn .
2* Nuradiin boys .
3* Nuradiin Girls .
4* Ilays Primary (jig-jigayar ) .
5* Kaah Primary .
6* Irshaad Girls .
7* Aljasiira Secendary .
8* Hargeysa .
9* Salaama Primary .
10* Alkheyr Primary .
11* Caalami Primary .
12* Future Primary .

Waxaana xukuumaddu ku dooday qoraal kooban oo isoo gaadhayna ku qoran in aanay waxba kaga duwanayn dugsiyadan jabiyay wareegtadu , xadhigii , ganaaxii iyo gaadiidkii lagala wareegay qaadlayaasha sida sharci daradaa dalka usoo galiya qaadka , taasoo ka dhigan in yaguna waajihi doonaan maxkamad.