Wasaarada caafimaadka somaaliya oo sheegtey dad cusub oo u dhintey Corona

0
172

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan:

Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood.

Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.

Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.

Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80
Kiisaska cusub maanta: 20
Tirada Bogsootay: 2
Tirada Dhimashada: 5