Warbixntii ugu danbaysay Covid19 Soomaaliya

0
87

xaaladihii u dambeeyay caabuqa #COVID19 ee #Soomaaliya.

Wasiir Fawziya Abikar Nur ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 49 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 4 maamul goboleed oo kala duwan.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 26 xaaladood, Maamulka Koonfur Galbeed 9 xaaladood, Mamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland oo 6 xaaladood ah.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,219 xaaladood iyadoo ay bogsooday 4 bukaan. Majirin wax dhimasho ah 48dii saa ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa la wadagtay fariimo waciyigelineed dhamaan bulshada gaar ahaan dhalinyarada maadama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa, in laga rabo inay muujiyaan taxadar aad u farabadan ayna si ficil ah u dhaqangeliyaan siyaabaha looga hortago caabuqa.