warbixintii ugu danbeysay sadexdii cisho ee ugu danbeysay kasoo bilow jimcihiin ilaa manta inta dad ee laga helay xanuunka COVID19 Somaliland waa 37 qof sida uu shaaciyey wasiirka caafimaadka somaliland, 72 saacadood ee ugu danbeyey intii laga helay xanuunka iyo intii laga baadhey iyo dhamaan intii ka bogsatey halkan hoose kaga bogo
Baadhitaanka 72kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 110
Todoba iyo soddon qof (37) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 21 qof waa rag, 16 qofna waa dumar
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 30jir = 18 qof)
(30jir ilaa 40jir = 9 qof)
(40jir ilaa 50jir = 2 qof)
(50jir ilaa 60jir = 4 qof)
(60jir ilaa 70jir = 3 qof)
(70jir ilaa 80jir = 1 qof)
Bukaanadan waxa dhamaan ay degen yihiin magaalada Hargeysa
Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay sideed iyo toban (18)
Waxaa geeriyooday saddex qof oo Hargeysa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 24jir halka laba qof ay ahaayeen dumar oo da’doodu kala ahaayeen 60jir iyo 63jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay Somaliland Afar iyo toban (14).
