Warbixintii ugu danbeysay ee COVID19 SOOMAALIYA

0
87

Maanta oo ay tariikhdu tahay 14 May 2020, Wasiir foosiya ayaa ku dhawaaqday tirada xaaladaha cusub ee caabuqa COVID19 in ay tahay 65 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 5 Maamul Goboleed oo kala duwan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Somaliland 14 xaaladood, Gobolka Banadir 13 xaaladood, Mamulka Puntland 13 xaaladood iyo Maamulka Jubaland 1 xaalad.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,284 xaaladood, waxaana geeriyooday 1 bukaan, halka ay bogsootay 5 bukaan.

Wasiirka ayaa aad u adkeysay ahmiyada ay leedahay ka hortagga iyo feejignaanta si bulshada ay uga badqabto caabuqa waxyeelada weyn leh, waxaana ay ku boorisay bulshada in ay u midoobaan la dagaalankiisa ayna hal meel uga soo wada jeestaan ayagoo ku dadaalayo dhaqan gelinta siyaabaha looga hortaggo caabuqa oo ay Wasaaradda Caafimaadka iyo quburada caafimaadka ay ugu baaqaan.

warbixinta oo kooban halkan hoose kaga bogo

14 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

> Laga Helay: 65
> Koonfur Galbeed: 24
> Somaliland: 14
> Benadir: 13
> Puntland: 13
> Jubbaland: 1

> Lab: 41
> Dhedig: 24
> Bogsasho: 5
> Dhimasho: 1
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 1,284
> Bogsashada Guud: 135
> Dhimashada Guud: 53