Home WARARKA MAANTA Warbixintii ugu danbeysay Covid19 somaliland

Warbixintii ugu danbeysay Covid19 somaliland

0
83

Warbixintii ugu danbeysay xanuunka saf marka ah ee Covid19 sida uu sheegey agaasimaha wasaarada caafimaadka somaliland

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 54

Afar iyo toban qof (14) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 8 qof waa rag, 6 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(20jir ilaa 29jir = 3 qof)
(30jir ilaa 39jir = 2 qof)
(40jir ilaa 49jir = 3 qof)
(50jir ilaa 59jir = 3 qof)
(60jir ilaa 69jir = 2 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)

Bukaanadan dhamaantood waxa ay degan yihiin Hargeysa.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Kow iyo Labaatan (21)

Waxaa geeriyooday 2 qof, 1 qof oo rag ah oo deganaa Boorama da’diisuna ahayd 59jir iyo 1 qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da’diisuna ahayd 60jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland todoba iyo toban (17).
http://www.somalilandcovid19.com.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com