warbixintii ugu danbeysay COVID19 Somaliland

0
87

wasaraada caafimaadka somaliland ayaa shaacisey tirada cusub ee laga helay xanuunka Covid19 maanta ayaa waxaa shaaciyey agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka sida uu shaaciyey.

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 35

Sideed qof (8) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, dhamaantood waa rag
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: 20jir ilaa 90jir

(20jir ilaa 30jir = 1 qof)
(30jir ilaa 40jir = 2 qof)
(40jir ilaa 50jir = 4 qof)
(80jir ilaa 90jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa 1 qof degen yahay magaalada Hargeysa, 5 qofna magaalada Berbera halka 2 qofna ka yimaadeen magaalada Burco

Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah da’diisuna ahayd 85jir oo laga keenay Burco taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan u dhintay Somaliland toban (10).

Tirada guud ee laga helay somaliland waa 129 qof

Tirada maanta laga helay 8 qof

Tirada ka bogsatey xanuunkan 8 qof

Tirada guud ee u dhimatey xanuunkan waa 10 qof

Tirada guud ee shay baadh loo sameeyey waa 701 qof