Warbixintii ugu danbeysay covid19 somaliland

0
43

Warbixintii ugu danbeysay xanuunka saf marka ah ee covid19 somaliland warbixintii ugu danbeysay covid19 maanta

Salaasa. 30.06.2020. Warbixinta malinlaha ah.

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 99 . Sideed iyo Toban qof (18) ayaa laga helay xanuunka, 10 qof waa somalilanders iyo 8 qof oo ajaanib ah. Bukaanadan 16 qof waa rag, 2 qofna waa dumar.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 29jir = 6 qof)
(30jir ilaa 39jir = 7 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Berbera 10 qof iyo Hargeisa oo ah 8 qof. .

Waxaa xanuunka ka bogsaday 4 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Boqol iyo Shan iyo Lixdan (165).