Warbixintii ugu danbeysa COVID19 Soomaaliya

0
118

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee ka soo kordhay caabuqa covid19 Wasiirka waxay xaqiijisay maanta 73 xaaladood oo COVID-19 ah.

Maamulka Puntland ayaa laga xaqiijiyay 25 xaaladood, Maamulka Somaliland 19 xaaladood, Maamulka Gobolka Banaadir 17 xaaladood, iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo laga xaqiijiyay 12 xaaladood.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,357 xaaladood, waxaana geeriyooday 2 bukaan halka ay bogsootay 13 bukaan.

Wasiirka ayaa bulshada u cadeysay in ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo xakameenta caabuqaan sii baahayo loona baahanyahay in la raaco talooyinka cafimaadka lagama maarmaanka ah ee looga hortagi karo caabuqa covid19 waxeyna ku boorisay in dhammaan bulshada ay isticmaalaan af-xir iyo gacmaha oo si joogta ah loo dhaqdo.

warbixint oo kooban

16 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya

> Laga Helay: 73
> Puntland: 25
> Somaliland: 19
> Benadir: 17
> Koonfur Galbeed: 12

> Lab: 51
> Dhedig: 22
> Bogsasho: 13
> Dhimasho: 2
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 1357
> Bogsashada Guud: 148
> Dhimashada Guud: 55

Kala soco wixii faah-faahin dheeraad ah: