Warbixinta xaaladii ugu danbeysay ee COVID19 Soomaaliya

0
130

Wasiirada Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa sidii caadada ahayd u baahisay bulshada xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19.

Wasiirka ayaa 24kii saac ee ugu danbeysay xaqiijisay 34 xaaladood oo COVID-19 ah.

27 xaaladood ayaa laga helay Gobolka Banaadir, halka 7 xaaladood laga helay Maamulka Puntland. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 756 xaaladood, waxaa geeriyooday 3 bukaan, waxaana bogsaday 17 bukaan.

Wasiirka ayaa goor walba sidii caadada aheed bulshada la wadaagatay fariimaha wacyigelinta, sidoo kale waxey ku celisay baaqa culimada ee ahaa in umadda Muslimka ah ay ruqsad u heystaan inay ku tukadaan guryahooda maadama uu jiro cudur dillaac, diin ahaanna waa ay inoo bannaan tahay.