Home WARARKA MAANTA Warbixinta xaaladii ugu danbeysay COVID19 Soomaaliya

Warbixinta xaaladii ugu danbeysay COVID19 Soomaaliya

0
121

Wasiirada Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikara Nur ayaa manta bulshada la wadaagtay sidii caadada aheed xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19.

Wasiiraka ayaa 24kii saac ee ugu danbeesay xaqiijisay 38 xaaladood cusub oo COVID-19 ah.

35 xaaladood ayaa laga helay Gobolka Banaadir halka 3 xaaladood ee kale laga helay Maamulka Somaliland. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa COVID-19 ayaa ah 873 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan, waxaana bogsaday 12 bukaan.

Wasiirka ayaa bulshada xasuusisay maahmaahdii aheyd ‘’Ka hortagga ayaa ka wanaagsan daaweynta’’ una sheegtay bulshada qeybaheeda kala duwan inay xil iska saaraan xakameynta caabuqa COVID-19, lana yimaadaan ficiladda ka hortaga ah sida dhaqidda gacmaha, kala fogaanshiyaha dadka iyo yareynta aadida goobaha la isugu yimaado.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com