Wararkii ugu danbeeyey dilkii fanaanka oromada ahaa iyo dhimashii oo mareyso 10qof

0
44

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay in kabadan 80 kalena waa ay dhaawacmeen markii dilkii heesaha caanka ahi uu sababay qaraxyo iyo mudaaharaadyo ka dhacay caasimada Itoobiya iyo deegaanka Oromiya ee ku xeeran Talaadadii, booliska iyo dhakhtar ayaa sidaas sheegay.

Xasilooni darrada ayaa muujineysa kala qaybsanaanta sii kordheysa ee awooda Ra’isalwasaaraha Abiy Ahmed ee awooda oromada oo ah dhaqdhaqaaqyo qowmiyadeed oo awood badan oo horey xulafada u ahaa ay sii kordhayaan caqabadaha dowladiisa ka dhexeysa.

Abiy wuxuu ugu yeeray dilka fannaanka Haacaaluu Hundeessaa “ficil shar ah” isagoo khudbad televishinka ka jeediyay xalay.

“Tani waa tallaabo ay ka go’antahay oo dhiirigelisay cadawga gudaha iyo shisheeyaha si loo carqaladeeyo nabadeena loona joojiyo inaan gaarno waxyaabaha aan bilownay,” ayuu yidhi.

Haacaaluu ayaa la dilay abaaro 9:30 p.m. Isniintii, booliska ayaa yiri. Qaar kamid ah tuhmanayaasha ayaa la qabtay, taliyaha booliska magaalada Addis Ababa Getu Argawhe ayaa u sheegay warbaahinta dowlada, isagoo aan bixin wax faahfaahin dheeri ah. Dilka ayaa u muuqday mid si wanaagsan loo qorsheeyay, booliska ayaa sidaas yidhi.

Magaalada caasimada ah ee Addis ababa ayaa subixii xigay. Magaalada waxaa ka dhacay seddex qarax, ayuu yiri taliyaha booliska federaalka Endeshaw Tasew.

“Qaar ka mid ah kuwa aas aasay bam-gacmeedka ayaa sidoo kale la dilay iyo sidoo kale dad rayid ah oo aan waxba galabsan,” ayuu ku yiri khudbad uu telefishanka ka sheegay habeenimadii Talaadada, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sarkaal booliis ah ayaa sidoo kale ladilay xilli uu taagnaa ilaalada mulkiilaha warbaahinta omn ee siyaasiga Jawar Mohammed, ayuu yidhi. isku dhac ayuuna ku dhintay markii taageerayaasha Jawar ay isku dhaceen bilayska bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Raiisel wasaaraha, Jawar, iyo heesaaga ladilay ayaa dhamaantood ah Oromo, qowmiyada ugu balaadhan ee itoobiya, kuwaas oo mudo dheer ka cabanaayey in lagu xadgudbo xuquuqdooda awoodna loo adeegsado ilaa iyo magacaabista Abiy 2018.

Jawar, oo hal mar taageersanaa Abiy oo isu rogay dhaleeceyn cod, ayaa la xiray isaga iyo Bekele Gerba, oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Oromada, iyo 33 qof oo kale, ayuu yiri Endeshaw. Booliisku wuxuu qabtay hub iyo raadiyayaal ilaalada Jawar, ayuu yidhi.

Idaacadda TV-ga Jawar ayaa lagu khasbay inay baahiso dayax-gacmeedka laga soo diro gobolka Mareykanka ee Minnesota ka dib markii booliisku ay weerareen xaruntooda ayna xireen shaqaalaheeda, ayay tiri.

Jawar ayaa ku qoray barta Facebook horaantii Talaadada, isagoo adeegsanaya higgaadinta magaca heesaaga.

Iyagu isagoo kaliya ma aysan dilin Hachalu. Waxay toogteen wadnaha Oromada, mar labaad !!… waad na dili kartaan, kulligeen, weligiin ma joojin kartaan. !! MARNA !! ” ayuu qoray.

Haacaaluu wuxuu dhaleeceeyay hoggaanka Itoobiya waraysi uu siiyay shabakadda warbaahinta ee Jawar todobaadkii hore.