Wararkii ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho +Sawirro

0
205

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax Gaari oo saakay ka dhacay Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa Jugtiisa laga maqlay qeyb ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana Gaariga qarxay uu ahaa Gaari NOAH, oo ay ka buuxieen waxaha qarxa,isla markaana ay saarnayeen Rag hubeysan.

Goob jogayaal ayaa sheegay in gaariga inta uu qarxin kahor ay Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya ay ka shakiyeen,isla markaana ay rasaas ku fureen,kadibna uu sidaas ku qarxay.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku geeriyooday Darewalkii waday Gaariga qarxay, Askari katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya,iyadoona mid ka mid ah Raggii gaariga saarna ay toogteen Ciidamo Dowladda, balse midkii labaad uu baxsaday,isla markaana Ciidamada ay ku raadjogaan,sida Saraakiisha Ciidamada ay shegeen.

Dad shacab ah oo goobta ka adhawa ayaa la sheegay in qaraxa uu waxyeelo soo gaarsiiyay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa hakad geliyay isku socodka Dadka iyo Gadiidka ee Ex Contro Afgooye,wallow markii dambe ay dib u fureen Ciidamada.

Wali Saraakiisha Ciidamada Dowladda Faah faahin buuxda kama bixin qaraxaasi.