Wararkii ugu dambeeyay qarax Goordhaw ka dhacay Muqdisho

0
273

Waxaa Faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxeysa Qarax Miino oo lala eegtay Gaari ay wateen Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kaas oo Goordhweyd ka dhacay Wadada Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goob jogayaal ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Saddex Askar ay qaraxa ku geeriyoodeen,halka labo kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ka mid ahaa Askarta Gaariga Saarneed.

Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna xireen isku socodka Dadka iyo Gadiidka halka uu qaraxa ka dhacay.