Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Kalabeyr

0
285

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan Guddoomiyihii xilka la qaaday ee Yuusuf Axmed Xagar Daba-geed, oo maanta ka dhacay Deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan.

Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka laisku adeegsaday hubka Fudud iyo mid Culus,isla markaana uu dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku dhintay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macoow Xalane,halka sidoo kale uu ku dhaawacay Taliye ku-xigeenkii Booliska Magaalada Balad weyne, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin katirsan Hir-shabeelle.

Dhinaca kale Taliyaha geeriyooday ayaan la ogeyn Ciidankiisa iney qeyb ka ahayeen Dagaalka, iyo in meesha uu u tagay inuu kala dhexgalo Ciidanka Dagaalamayay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hataan Deegaanka Kalabeyr ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Yuusuf Axmed Xagar Daba-geed oo dhaawaan xilka uu ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle.