Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho

0
266

Beegsonews-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Kooxo hubeysan oo Xalay Weerar ku qaaday Xarunta Maamulka Deegaanka Garas-baareey ee ku taalla duleedka Magaalada Muqdisho.



Dagaal Kooban ayaa la sheegay in uu dhexmaray kooxihii weerarka soo qaaday iyo ilaalada Xarunta Deegaanka Garas-baaleey,waxaana la sheegay in Dagaalka uu geystay khasaaro kala duwan.

Xarunta Maamuka Degaanka Garas-baaleey ayaa ku taalla dhabarka dambe ee Jaamacadda Shabeelle oo ku taalla duleedka Muqdisho.

Warar anu helnay ayaa sheegaya in Dagaalka ay ku dhaawacmeen labo Ruux oo shacab ah kuwaas oo dhawacooda lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Deegaanka Garas-baaleey iyo Hay’adaha Amniga ee Dowladda Soomaaliya, kaas oo ay uga hadlayaan Dagaalka xalay lagu soo qaaday Xarunta Maamulka Deegaanka Garas-baaleey ee ku taalla duleedka Muqdisho.