Home WARARKA MAANTA warar dheeraad kasoo baxaya Qaraxii muqdisho ka dhacey

warar dheeraad kasoo baxaya Qaraxii muqdisho ka dhacey

0
193

gaadhi walxaha qarxaha laga soo buuxiyey ayaa ku qaraxey iskgoyska sayidka meel u dhow kaantaroolka madaxtooyada laga ilaaliyo isagoo ku jirta faska baadhitaanka kaantaroolka ay ku leeyihiin ciidamada koofiyad cas ee ilaaliya madaxtooyada.

khasaaraha iyo dhimashada qaraxan gaystey wali lama hubo madaama wali cid ka hadlin ka tirsan laamaha amniga iyo kooxda gurmada dedgdeg ahba ee ambalaaska laakin waxaa ay cadeeyeen dad goob joogayaal ah oo yimid markii qaraxu sida u dhacey ay ku warameen wixii ay arkeen.

dhimashada 4qof dhaawacuna waa 6 qof iyo 8 gaadhi oo ku gubtey meesha oo ay ku jiraan bajaaj iyo dadkii saarnaaba iyo gabadh ku haystey meherada koofeer ah dumarka lagu qurxiyo oo dhawac culus soo gaadhey oo caloosha ah iyo guryihii u dhawaa oo burbur xoogan soo gaadhey.

war rasmi ah kama soo bixin wixii faah faahin dheerada ka soo baxaya waanu idinla socodsiindoona iyadoo quruxu dhimaatada uu gaystey intaa ka badan tahay oon wali la hayn tirada saxda ah ee wax kasoo gaadheen

lasoo wararka danbe kasoo baxay

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com