WAR DEG DEG AH : Ra’iisal wasaaraha Dalka Sudan,Abdalla Hamdok dil ka badbaadey

0
111

Ra’iisal wasaaraha Dalka Sudan,Abdalla Hamdok, ayaa ka badbaaday isku day dil, kadib markii qarax lala beegsaday Kolanyo gaadiid ah oo uu saarnaa kuwaasi oo marayay qaybo ka mid ah magaalada khartuum.

Warbaahinta dawladda Sudan ayaa ku warrantay in Ra’iisal wasaare Hamdok, uu hadda la geeyay “meel amni ah”.
Warbaahintu ma sheegin inuu dhaawac soo gaadhay iyo in kale.

Sidoo kale Lama sheegin wali khasaaraha ka dhashay qaraxa la sheegay inuu Ra’iisal wasaaruhu ka badbaaday.
Sudan ayaa bilo ka kasoo baxday jiho
-wareer Siyaasadeed.

Routers