Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada oo ku shiraya dhuusamareeb

0
41

Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul-goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Puntland iyo Jubbaland oo wali kusugan bartamaha magaalada Dhuusomareeb ayaa xalay wada-hadallo iskaashi ah dhex maray.

Wararka laga helayo kulanka u dhexeeya wakiilada beesha caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa tilmaamaya in arimaha siyaasada dalka ay hada marayaan meel xasaasi ah.

Gaar ahaan kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray mustaqbalka dalka wixii ka dambeeya 8-da February oo maanta ah marka uu dhamaado waqtiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya farmaajo oo xilikii ka dhamaadaySida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow, waxaa jira qorshe la doonayo in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho la isugu keeno madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si wada hadallo dheeri ah looga yeesho si loo jabiyo ismari waaga doorashada.

Beesha Caalamka ayaa hada dooneysa inay qabato shir ay isugu yimaadaan hogaamiyaasha Soomaalida oo ay hoostagaan iyaga oo ka duulaya burburka shirkii Dhuusamarreeb iyo ku guuldareysiga in la gaaro heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan arrimaha codbixinta.