Home WARARKA MAANTA Wafdi ka socda Hay’adda Qaxootiga adduunka UNCHR oo gaaray magaalada Beledweyne

Wafdi ka socda Hay’adda Qaxootiga adduunka UNCHR oo gaaray magaalada Beledweyne

0
459

 Wakiilka Soomaaliyaa ee hay’adda qaxootiga Aadduunka ee UNCHR iyo ergaga gaarka ee uqaabilsan Afrika ayaa gaaray magaalada  Beledweyne kadib fataahaadihii wabiga Shabeelle uu ka sameyay Beledweyne.

Wafdiga gaaray Baladweyne ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,iyagoo kala hadlay xaaladda iyo sida ugu macquulsan ee dadka ka barakacay Fatahaada gargaar lagu gaarsiin karo,kuwaas oo ku sugan xero Barakacayaal oo loogu talagalay.

Dhanka kalana waxay kormeer ku tageen qar kamid ah xeryaha ay dadka ku barakaceen  ee Beledweyne,si ay ugu kuur galaan xaaladda ka jirta xiryaha dadka ay ku sugaan yihiin.

Magaalada Beledweyne ayaa hataan kasoo kabanaysa fatahaadii webiga Shabeelle u ka sameyay magaalada ,iyadoo ay ka barakaceen qaar ka mid ah dadkii ku noola Beledweyne.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com