Waddanka China Oo Sameysanaya Roob Gacan Ku Rimis Ah

0
388

Dawladda China ayaa la sheegay in ilaa  2013-kii waxaa ay ku howllaneyd sameynta 55 Bilyan Tan oo roob gacan ku sameys ah sannadkiiba. Biyaha roobkan ayaa dawladdu sheegtay in siyaabo kala duwan loo isticmaali doono.

Mashruucan waxaa ay dawladda China  uga gol leedahay in ay ku roobeyso 1.6Milyan KM2, taas oo saddex jeer ka weyn dhulka dalka Spain.

Dawladda waxaa ay howshan u adeegsan doontaa qalab ay sameysay hay’adda Aerospace Science and Technology Corporation ee dalka China, waxa la sheegay in laga sameynaayo roob gacan ku rimis ah.

Qalabkan waxaa la geynayaa gobollo lagu magacaabo Tibet iyo Xinjiang, qalabkan waxaa la geynayaa gobolladaas degaannada Buuraleyda ah.

Qalankani waxa uu awood u leeyahay in  uu barafka hawada ka dhigo biyo sida roobka oo kale hawada uga soo da’aya.

Mashruucan sidoo kale waxaa ay China uga faa’ideysaneysaa nadiifinta hawada iyada oo qalabka qaarkii uu ku dhacayo Hawada, waxaana uu uumiga warshadaha ee cirka ku jira u rogayaa biyo halkaas oo qiiqa hawada wasakheeya biyo loogu rogayo kaddibna dhulka looga faa’ideysanayo.

China ayaa Mashruucan Hindisahiisa heshay 2008dii markaas oo ciyaaraha Olomypics-ka lagu qabanayay dalkaas, waxaana ay hawada u dirtay in ka badan  1,100 gantaal oo nooca daruuraha dhalaaliya ah si ay nadiif u noqoto hawaddu.

Ugu danbeyntiina Beijing  waxaa ay leedahay qorshe Roob mac mal ah ay ku heleyso ilaa sanadka 2020ka,waxaana ay ka mid tahay magaalooyinka ugu hawada nadiifsan caalamka.

Xigasho: Morning Post, TR.