Wada-hadallo lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka bilowday Jabuuti.

0
117

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka shaqeeyay in ay isku keenaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo khilaaf xoogan u dhaxeeyo.

Magaalada Jabuuti waxaa hada ka socda kulan afar geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Kulankan ayaana ah mid lagu dhex dhexaadinayo Madaxda Waddamada Soomaaliya iyo Kenya oo khilaafkooda meel xun gaadhay, waxaana la filayaa in kulankan la isugu soo dhaweeyo labada Madaxweyne.

Kulankan ayaa waxaa ka horeeyay kulamo gaar gaar ah oo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya la yeesheen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya kahor inta aan labada Madaxweyne la isku keenin