Waa maxay waxay canfartu u soo weerartey Deegaanka soomalida + sababta

0
301

Weerar ay saaka soo qaadeen Canfartii duulaanka ku ahayd galbeedka Sitti ayaa saaka lagu jabiyay dagaalo qadhaadh oo ka dhacay galbeedka Sitti.

Liyuu Booliska Canfarta oo gacan ka helaya jabhadaha canfarta oo saaka weerar kusoo qaaday galbeedka Sitti ayaa jab xooggan la kulmay maanta kadib markii ay ciidanka liyuu booliska deegaanka Soomaalida iyo shacabka xoolo dhaqatada ah ee galbeedka Sitti ay si geesunimo ah iskaga difaaceen duulaanka Canfarta dhul-doonka ahi baryahanba ku wadday dhulka galbeedka Sitti

Canfari waxay muruq iyo maal waxay haysayba iskugu gaysay sidii ay Soomaalida uga qaadi lahayd 3da magaalo ee muhiimka ah(Garbo Ciise, Cundhufo, Cadayti) ee ku yaalla wadadda halbowlaha ah ee isku xidha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxay baryahanba wadeen Canfartu abaabul iyo guluf xooggan oo dhul boob ah balse maanta ayaa jab xooggan la gaadhsiiyay oo si xun loogu jabiyay dagaallo qadhaadh oo saaka aagga galbeedka Sitti ka dhacay.

Wararka laga helayo deegaanada dagaalku saaka ka dhacay ayaa sheegaya in Canfarta laga qabsaday saldhigyadii ay kaga soo duuli jireen galbeedka Sitti gaar ahaan deegaanada u dhow magaalada Garbo Ciise oo dagaalo qadhaadhi saaka ka dhaceen

Reserve Area Media source maxamed H