Waa maxay sababta uu Maraykan uga baxay Afghanistan? W.Q: Cabdirisaaq Rakuub

0
60

Nin ka mid macallimiinta ugu weyn ee wax ka dhiga amniga jaamacadaha Maraykan, ahna dagaalyahan hore oo la yidhaa David B. Des Roshes ayaa wuxuu qabaa in guusha dagaalku ay tahay mid aan waligeed la gaadhayn oo waqti lumis ah.

Waxa uu hore u sheegay in yoolkii dagaalka ee Afghanistan goor horaba la gaadhay taas oo ahayd in la soo qabqabto ama la dilo madaxdii Al-Qaacida ee ka danbaysay Weerarkii 11kii September, taasna mar hore la fuliyay, laakiin ay timid dhib kale oo ah in Bentigoonka Maraykanku uu keenay qorshayaal kale oo ay tahay in la fuliyo maaddaama meesha la joogo taasina horseedday dagaal qaatay labaatan sano.

Sabab kale oo aad u weyn ayaa jirta oo ah ahmiyadda uu Maraykan siinayo cidda sii haynaysa ama hayn doonta xukunka dunida (world hegemony) iyada oo uu uga baqayo Shiinaha iyo Ruushka saamaynta ay caalamka ku sii yeelanayaan maalinba maalinta ka danbaysa.

Waxa kale oo taageere u ah in Maraykan uu dib uga gurto Afgaanistaan waa isaga oo garowsaday in goobtan uu ka dagaallamayo leedahay taariikh dagaal oo dadka deegaankan waqtigan casriga ah lagaga guulaysan dagaal oo hadda iyo mar horaba galaafatay nafo iyo dhaqaale badan oo isdabajoog ahaa.

Qodob kale oo muhiim ah ayaa ah in afkaarta dagaalku ku baahday bulshada reer Afgaanistaan oo aan dagaal caskari ah si sahal ah aan lagaga takhalusi karin.

Ugu danbayn Maraykan oo maanka ku haya buunbuuninta mabaadi’da dimuquraadiyadda, jihaynta mustaqbal ee dadkiisa iyo ta dhaqaale ee dalkiisaba in aanay xal degdega u noqon karin in uu meel kasta uu dagaal kaga jiro ayaa keentay bixitaanka.

Midda dhaqaale Maraykan wuu gaadhay ujeeddadiisii Afgaanistaan, labaatankii sannadood ee ugu dambaysay waxa laga guranayey Lithium-wana wakhtigay soo shaacbaxday isticmaalka maddadan oo mobilada iyo baytariyada laga sameeyo.

Marakaykan macdantan uu muddadaa guranayey waxa lagu sheegay siday xaqiijisay Geglogical Service $1-3 Trillion. Dooddii ahayd $2 Trillion baa nagaga baxday iyada halkaa ku jar.

Bret Stephens, wuxu leeyahay: dhowrkii sannadood ee ugu dambeeyey awood dhaqaale iyo mid milateri midna laguma maamulayn ee dabagalka, saadka iyo maamulka hawada ayaa laga taageerayey, middaasna madaxweyne kasta oo Maraykan wuu samayn karaa, iyada oo aan rajo laga qabin in Daalibaan laga adkaado, se waa gacan ku hayn. Maanta se danihii juqraafi ee Maraykanku mandaqadda ka lahaa way dhaawacantay.

Iswaydiimaha yaalla ayey ka mid tahay Maraykan iyo xulafadiisu ma oggolaanayaan in Daalibaan xukunku gacanteeda galo mise xeelad kale oo qarsoon ayaa jirta, middaas oo laga yaabo kolka ay isbalaadhiyaan xooggaga Daalibaan sidii labaatan sannadood ka hor dhacday in dib loogu soo noqdo?

Daalibaan maanta waxa horyaalla imtaxaanno waaweyn oo lagu eegayo siday uga gudbaan, middaas oo muujin doonta bisaylkooda labaatankii sannadood ee ay dagalamayeen wixii ay soo korodhsadeen iyo kakanaantii hore ee xukunkooda loo jeclaysan muddaddii ay talada hayeen dib ma isku sixi doonaan mise wali waa kuwii.

Asalkaba wadaaddada siyaasadda galay ee sida degdeggaa uga siibta sallaanka xileed waxa loo sababeeyaa aragti la’aantooda siyaasadeed. Waxa ay hawaawiyaan in xukunkoodu noqdo boqolaal sannadood ka hor sidii uu ahaa fikir-xukuneedkii Muslimiintu. Taas oo aanu waaqacu saamaxayn. Tusaale ahaan; Xasan Turaabi kacaankiisii Suudaan wuxu u hawaawiyey in dawladda uu dhisayaa noqoto kuwii boqolaal sannadood ka hor jiray. Wuxu magacyada xileed u bixiyey kuwii talinjiray wakhtiyadaas. Waa sababta ay isku fahmi waayeen kacaankii uu isagu hormoodka ka ahaa, aakhirkiina isaga ay la siibatay.

Hiba Ra’uuf buuggeeda (Khayaalu siyaasi Lil-islaamiyiin ma qabla dawla wama bacdahaa)-Khayaaliga siyaasadeed ee Islaamiyiinta kahor iyo kadib dawladnimada. Waxa ay ku gorfaynaysaa fahan la’aanta siyaasiyiinta wadaaddada ah. Waxa ay tilmaamaysaa in masraxa Islaamku u baahanyey doodda dib-u-eegista aragtida dawladnimo ee ay Muslimiintu doonayaan muuqaalkeedu nooca uu noqonayo.

Daalibaan hadday garato muhiimadda soo celinta shaqaalaha dawladda, askarta, nidaamka dhaqaale iyo isku socodka, xidhiidhka waddamada jaarka wanaajintiisa iyo ciyaaridda siyaasad furfuran oo warxumo tashiilka indhooda soo dhawaysa waxa muuqan doonta isbeddelka qaangaadhnimo ee Islaamiyiinta xukunka qabtay.

Midda labaad isriixriixa awoodeed ee dhexdooda hadday ka weynaan waydo fursadday heleen oo kursi jacayl u ku yimaaddo jabhadda dalka qabsatay middaasi waxay soo dedejin doonta fashilkooda.