“Waa Daan Daansi dagaal” xil.fiqi

0
117

Xildhiban fiqi aya qoraal soo dhigey bartiisaa facebook uu ku canbaareynaya ciidamo lasoo ag dhigey guriga sheekh shariif isagoo sheekh sharif isaga leh ciidamo ilaalo ah oo u gaara waxaanu yidhi.

Guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxwaynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo habeenadaan danbe ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ay daandaansiga agagaarka gurigisa ku samaynayeen ma waxaa gashay doorashadii 2020/2021 mise hawlgalkii muddo kororsigii maxaxweyne Farmaajo raadinayey ayaa laga baadigoobayaa oo ku dhuuntay?

Midday ahaataba ma ahan tallaabo wanaagsan ama dhaqan dawladnimo, waxaan kula talinayaa madaxweyne Farmaajo In uu joojiyo daandaansiga iyo abuurista xaalad dagaal oo aan hadda taagnayn oo caaqibadeeda danbe aan la mahdin doonin!

Xildh. Fiqi