Vladimir Putin ayaa saxeexay sharci u ogolaanaya inuu xukunka sii hayo ilaa 2036

0
235

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin wuxuu saxiixay sharci si rasmi ah u siiyay inuu xaq u leeyahay inuu sii joogo xukunka illaa 2036.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, sharciga uu saxiixay Isniintii hogaamiyahan 68 jirka ah, ayaa u ogolaanaya inuu kordhiyo xukunkiisa 20-ka sano ah illaa uu ka gaarayo 83 jir.

Putin markii labaad oo isku xigta iyo kan afraad ee guud ahaan xilka madaxweynenimo wuxuu ku egyahay 2024, sanadka markii Dastuurkii hore ee Ruushka looga baahnaa inuu xilka ka dago.

Haddii mar labaad la doorto, wuxuu sii ahaan doonaa madaxweynaha illaa 2036, isaga oo ka dhigaya hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee soo hayey Ruushka tan iyo Josef Stalin iyo Peter the Great.

Xusuusnow in Putin uu mar sii horeysay sheegay inuusan wali go’aansan inuu mar kale u tartamo madaxweyne iyo in kale, isagoo intaa ku daray in 2024 wali ay fogtahay.