UAE oo goaan ka gaadhey saldhigii BerBera

0
172

Wargeyska The National ee ka soo baxa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray in la joojiyay saldhigii milatari ee UAE ay ka dhisanaysay magaalada Berbera.

Wargeyska oo warbixin ka qoray maalgashiga ay dawladda UAE ku samaynayso qaaradda Afrika, ayaa wuxuu si kooban u sheegay in saldhigaas milatari la joojiyay. “Imaaraadka Waxay saldhig milatari ku leeyihin Ereteriya ilaa sannadkii 2015, laakiin qorshe lagu doonayay saldhig kale oo Somaliland ah ayaa la joojiyay.” Ayuu ku yidhi wargeysku gunaanadka warbixintiisa, laakiin wargeysku ma bixin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah iyo inuu warkan ka soo xigtay dawlada UAE.

Xigasho: Geeska Afrika.