Turkiga ayaa u ogolaaday dalka Ethiopia inuu ka iibiyo diyaaradaha dagaalka

0
111

Turkiga ayaa u ogolaaday dalka Ethiopia inuu ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee aan cidi wadin Drones ee loo yaqaano Bayraktar TB2 oo ah diyaaradaha dagaalka Droneska ee adduunka ugu wanaagsan.

Turkiga ayaa Diyaaradahani Bayraktar hore u siiyay dalka Azerbaijan oo dagaal kaga adkaaday dalka Armenia.

Turkiga ayaa sannadkii hore wuxuu diyaaradahani Bayraktar u isticmaalay jabhadda Janaraal Haftar ee dalka Libya oo uu ku jabiyay, Janaraal Haftar oo taageero military ka helaayay Emirateka, Masar iyo France, ayuu Turkigu kaga takhalusay diyaaradahani aan cidi wadin ee Bayraktar B2.

Bayraktar ayaa ah diyaarad si casri ah u qallabaysan, oo masaafad fog ka soo ridaysa gantaalo markiiba burburinaya tikniko ilaa 100 askari ah, waxaa sidoo kale ku rakiban Laysar hagaya gantaalku inaanu bartilmaameedkiisa ka leexan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed, wuxuuna ballan qaaday in Turkigu uu ka taageeri doono Ethiopia dhinaca militaryga.

Qoraal saxaafadda loogu tallo gallay oo labada wasaarad arrimo dibadeed ee labada dal si wada jir ah u shaaciyeen ayaa lagu sheegay in Turkey iyo Ethiopia iska kaashanayaan xasilinta ammaanka gobolka Bariga Afrika.