Turkey oo suuriya u Qaadaya Gantaalada difaaca cirka

0
111

Turkiga ayaa qorsheyanaya in uu u daabulo magaalada Idlib ee woqooyiga Suuriya Gantaalihiisa difaaca Cirka ee HISAR.

Madaxa warshadda HISAR ayaa sheegay in muddo todobaad gudihii gantaaladan geyn doonaan magaalada Idlib, saraakiisha amniga ee Turkiga ayaa sheegay in ay arintan uga gol leeyihiin sidii ay u yareyn lahaayeen duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Suuriya ee uu Ruushku taageero.

HISAR ayaa ah hab difaac Cirka ah oo uu Turkigu sameystay, wuxuu awood u leeyahay in uu garaaco bartilmaameedyada masaafadaha fog fog. Sidoo kale wuxuu soo ridi karaa diyaaraha dagaalka ee qummaatiga u kaca iyo gantaalaha dhulka lagu aaso.
Turkiga ayaa sameyska habkan difaaca Cirka soo billaabay 2007, waxaana markii ugu horreysay la tijaabiyay sanadkii hore 2019.

source ali aadan